Ra’isal wasaare Khayre oo amar culus kasoo saaray dhulka sida sharci darada loo iibsado iyo dhimaha ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Adan cadde

Raisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo saaray wareegto lagu joojinayo dhamaan boosaska sida sharci darrada ah loo kala iibsanayo & dhismayaasha ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan cadde.

Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in lagu xad gudbay xeyndaabkii garoonka dayuuradaha, isagoo xusay in guddi arintaas baaritaan ku sameeyo uu soo magacaaabi doono.

Shirkado ajaaniib iyo Soomaali isagu jira ayaa buux dhaafiyey, dhismeyaal cusub ka sameystay agagaarka garoonka Aadan taasoo sababtay inuu soo yaraado dhamaan dhulkii ku yiilay gudaha garoonka.