Raila Odinga oo ah Musharax Madaxweynenimo ee dalka Kenya Doorashada la qorsheynayo in ay dhacdo dhawaan ayaa sheegay in hadii uu ku guuleesto doorashadaas uu qaadi doono laba talaabo.
Raila Odinga ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom uu gebi ahaanba ka soo saari doonbo Gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana taas bedelkeeda ay ilaalin doonaan Xaduudaha dalkooda.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Kenya looga baahnaa in ay qaadato taladii ay horay ugu soo jeediyen Midowga Afrika ee ahaa in aysan faragashan dalalka Afrika balse diidmadaas ay dhibaato u keentay.
Waxa uu sheegay in Kenya sidoo kale laga doonayo in ay xoojiso xiriirka dhanka sirdoonka ah,taas oo looga guuleeysan karo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Sidoo kale Raila Odinga ayaa talaabada labaad ku sheegay hadii uu guuleesto in uu u aqoonsan doono Maamulka Soomaaliland in ay yihiin dowlad Soomaaliya inteeda kale ka Go’day