Raila Odinga oo qaadacay Natiijada hordhaca ah ee laga helayo tirinta codadkii la dhiibtay

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa qaadacay natiijada doorashada, iyadoo weli ay socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Raila waxaa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay.

 

Guddiga doorashada waxaa kale oo ay sheegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Waxaana uu Madaxweyne Uhuru uu ku hogaaminayaa Raila kow iyo toban dhibcood oo ah codadkii la tiriyay.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%.

Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo Kormeerayaal kale oo caalami ah sida Safiiro oo ka socda dalalka danaynaya doorashada kenya.