Ragga oo la ogaaday in ay Xaqiraan Caqliga Dumarka

Cilmi-baaryaal ka tirsan Jaamacadda “ASU” ayaa daaha-ka-rogay in raggu ay aaminsan yihiin iney ka caqli badan yihiin dumarka, xitaa isbarbardhigga dumarka lagu tilmaamo caqliga iyo garashada sare.

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa xoogga lagu saaray fasiraadda sababta raggu inta badan uga mushaar badan yihiin dumarka iyo arrinta ka dameysa inta badan dumarka la iskaga indha-tiro, gaar ahaan marka arrintu ay ku xiran tahay Xisaab, engineering-ka gudaha iskuulka.

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda gobolka Arizona (ASU) ee gudaha dalka Mareykanka ayaa gaaray natiijadan kadib markii ardayda Jaamacadda ay ka codsadeen iney iska diiwaangeliyaa siminaar cilmiyeed oo u gaar ah xadaynta caqli badnaanta iyo cilmiga ardayda.

Si gaar ah, ardayda waxaa loogu xilsaaray iney qiimeeyn ku sameeyaan caqligooda marka loo barbardhigo ardayda fasalka waxbarasho ee ay wax wada dhigtaan.

Cilmi-baarayaasha waxaa lama filaan ku noqday in gabdhaha si aad ah loo fududaystay caqligooda marka loo barbardhigo ragga oo qiimeyntii ay ardaydu sameeyeen waxaa ku xaqirnaa gabdhaha[ardayda ayaa laga codsaday in arday kastaaba caqliga asxaabtiisa kale qiimeeyo].

Wiilsha inta badan dadka ay la shaqeeyaan oo ay garanayaan ayay dhanka caqliga u xagliyaan in u dhigan 3.2-jeer marka loo barbardhigo dumarka, dadka ay wada shaqeynayaan rag ama dumar waxay doonaan ha noqdaan.

Marka la isbarbardhigo ardayda wiilsha iyo gabdhaha ee darajooyinkooda Jaamacaddu ay yihiin, 3,3, sida badan wiilashu waxay kuu sheegayaan iney ka caqli badan yihiin 66% ardayda fasalka, halka gabdhuhu ay kuu sheegayaan in 54% ay iyagu ka caqli badan yihiin.

Khubaradu waxay leeyihiin natiijadani waxay u wanaagsan tahay ogaanshiyaha dareenka ardayda ra’yigooda waxa ay iska aaminsan yihiin iyo awoodahooda aqooneed.

Natiijada daraasaddan ayaa lagu faafiyay joornaalka “Advances in Physiology Education