Qubeyska Badan oo la ogaaday inuu jirka waxyeelo u geysan karo

Daraasaad cusub uu soo saaray Dr Elaine Larson ayaa lagu ogaaday in Qubeyska badani oo loo adeegsado saabuunta ama shampoo uu jirka bini-aadamka u wanaagsananeen ayadoo dadku ay inta badan aaminsanyihiin in maalin walba oo la qubeystaa ay tahay arin fiican oo la isku nadiifiyo.

Waxaa iska caadi ah iney si joogta ah u qubeystaan dadka haya shaqooyinka adag ama ku nool wadamada ay kuleyluhu ku badan yihiin, arrinku xiriir lama laha shiirka jirka ee uu keeno dhididku.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in si joogto ah maalin kasta loo qubeystaa ay dhibaato u keeni karto haragga sare ee jirka oo ay furayso duleelada haragga oo jeermisku ka dusayo, jirkuna uu ku qalalayo, arrinkaas oo daciifinaya nidaamka difaaca jirka, qubeyska joogtada ahna waxa uu yareeyaa saliidaha dabiiciga ah ee jirka uu leeyahay.

Dr. Elaine Larson oo khabiir ku ah cudurada faafa barena ka ah jaamadacadda Columbia ee dalka Mareykanka waxa uu yiri “Dadku waxay aaminsan yihiin in qubeyska badani yahay nadaafad laakiin arinkaasi sax maahaā€¯.

Dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in isbuucii hal ama labo jeer oo qudha la qubeysto si jirku u nabad galo caafimaadkaagana aad u ilaashato, waxaase ay ogolaadeen in maalin kasta biyo la isku shubi karo oo lagu qubeysan karo iyadoo wax shaampoo ah aan la adeegsan ama saabuun.