Qoyska Haweeney Australian ah oo uu dilay Askari Somali-Mareykan ah oo dalbaday $50 Milyan oo Dollar

Qoyska Haweeneydaas ayaa la sheegay inay Gal-dacwadeed u gudiyeen Maxkamad ku taalla Maraykanka, oo ay ku doonayaan in magdhow lacageed laga bixiyo dilka Haweeneydaasi oo bishii Jul 15-dii ee sannadkii hore uu toogtay Askari Somali Maraykan ka tirsan Boliska dalkaasi.

Qoyska waxay Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur ku eedeeyeen inuu si ku-talagal ah u toogtay Haweeneydaasi oo la oran jirey Justine Ruszczyk Damond.

Qoyska Haweenydaasi la dilay waxay sheegeen in Askarigii la socday Maxamed Nuur uu qarinayo Xaqiiqda qaabka uu u dhacay Toogashadaasi iyo inay labadooda si ku-tala-gal ah u damiyeen Kaameradda yar ee ay Boliska Maraykanka xirtaan.

Qoyskaasi waxay codsadeen magdhow lacageed oo dhan 50 million oo Dollar oo lagu daray dhibaatada burburka muuqda.

Qoraal uu soo saaray Aabaha dhalay haweeneydii la dilay oo lagu magacaabo John Ruszczyk,  ayuu ku sheegay inuu u baahan yahay inuu arko Dib-u-habayn lagu sameeyo Waxada Boliska ee magaalladda Minnapolis, lana kordhiyo waxyaabaha lama huraanka si loo joojiyo inaysan mar kale dhicin falalka aan qiimaha lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Askariga lagu eedeeyey dilkaasi ee Maxamed Nuur waxa uu horey u sheegay inuusan Dembi gelin, inkastoo  ay Dembi-baarayaasha sheegeen inaysan  haynin caddaymo muujinaya inuu Askariga la kulmay cabsi ku khasabtay inuu isticmaalo  awoodda wax ku dilo.