Qoys ku Sumoobay Kaluun oo La Dhigay Isbitaalada Magaaladda Muqdisho

Qaar kamid ah Isbitaaladda Magaaladda muqdisho ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa la dhigay ku dhawaad 50-ruux oo ay ku jiraan Qoys ka kooban Hooyo iyo 4 Gabdhood oo ay dhashay  oo la sheegay in ay ku sumoobeyn Kaluun.

Sida ay inoo xaqiijiyeen Ehelada dadka qaar ee Sumoobay, dadkaan ayaa Kaluunka kasoo iibsaday Kawaanka Degmadda Xamar-weyne ee Kaluunka lagu iibiyo.

Dadka Isbitaalada la dhigay ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay aad u daran tahay kadib markii ay ku sumoobeen Kaluun.

Lama oga in Kaluunka la sumeeyay markii badda laga soo saaray, ama  laga soo qabtay Badda isagoo sumeysan.

Waxaa jirta Nuucyo kamid ah kaluunka oo sumeysan inkastoo Xubno qaas ah ay suntaasi leedahay, Kiiskan oo horay loogu arkay Meelo Somalia ka baxsan Sida Wadamada Asia oo ay ugu horeyso Japan oo digniino horay uga soo saartay Kaluunka Sumeysan.