QM oo digniin ka soo saartay xaalada macluusha

Stephen O’Brien oo ah madaxa hawlaha bani’aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay golaha amaanka in ku dhawaad 20 Malyan oo qof oo ku nool afar dal oo kala ah Soomaaliya, koofur Sudan, Yemen, iyo Nageria ay wajahayaan gaajo iyo macaluul tii ugu darnayd abid,

Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.

Todobaad kii hore ayay ahayd markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres oo booqasho ku tagay dalka soomaaliya uu sidan oo kale walaac ka muujiayay xaalada macluusha ka jirta Soomaaliya isagoona sheegay inay QM ay door bin’aadanimo ka ciyaari doonaan xaalada abaarta ku dhufatay wadamo ay Soomaaliya ugu horeyso,

©Goobsan  Media