QM oo cod u qaadi doonta Weerarada Foosha xun ee lagu hayo dadka reer Falastiin

193 dal ee xubnaha ka ah Golahaasi waxay caawa u codeyn doonaan Labo Qoraal Qabyo oo ay Dowladaha Carabta iyo Maraykanak u kala gudbiyeen Golahaasi oo ku aadan in la cambaareeyo Askarta Yuhuudda ee dilalka ka geystay Marinka Qasa, iyadoo Qoraalka Maraykanka ku baaqayo in la cambaareeyo Dagaalamayaasha Ururka Islaamiga ee XAMAAS oo iyagu Hoobiyayaal ku duqeeyey Yuhuudda.

Dalalka Turkiga iyo Algeria oo wakiil ka ah dalalka Carabta iyo Ururka Islaamka ee OIC waxay Golaha Guud ee QM u guidbiyeen Qoraalkaasi ka dhanka ah Askarta Yuhuudda, kadib, markii ay Maraykanka Codka Diidmadda Qayaxan ee VETO ku hor-joogsadeen Qaraar ay Golaha Ammaanka ee QM gaareen bishan June 1-dii.

Golaha Guud ee QM waxay horey uga soo horjeesteen Go’aankii uu Madaxweyne Donald Trump ee uu bishii December ee sannadkii hore ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta Barakaysan caasimadda Yuhuudda.