Qilaaf ka dhashay gabadh niqaab xiran oo loo doortay af hayeenka ururka IRN ee Dalka Norway

waxaa jira qaylo dhaan kasoo yeertay muslimiinta Norway qaasatan Wasiirka dhaqanka, xildhibaanno muslimiin ah iyo ururro kale oo muslimiintu leeyihiin ayaa cambaareeyey tallaabadaas uu qaaday golaha islaamka ee Norway.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay xukuumaddu siisay $55,000 ururkaas, lacagtaas oo loogu tala galay in lagu dhiirri galiyo is dhex galka diimaha.

Baarlamaanka Norway ayaa waxa uu horay u mamnuucay xirashada indha-shareerka

Golaha islaamka Norway (IRN) ayaa sheegay inuu dhiirri galinayo midnimada ka dhaxaysa muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayn ayaa u magacaabay horraantii todobaadkan Leyla Hasic inay noqoto afhayeenkooda, sidoo kale is dhexgalka inuu horumarayo aya ku sheegeen arintan ay ku dhaqaaqeen.

Xoghayaha guud ee IRN Mehtab Afsar ayaa u sheegay TV Norway ku yaalla in Ms Hasic lagu doortay aqoonta ay shaqada u leedahay.

“Waxaa la yaab igu noqotay in qaar ka mid ah dadka oo ka welwela xorriyatul-qowlka ay sidan u dhaqmaan, marka gabar niqaab xiran soo baxdo oo ay shaqaysanayso” ayuu yiri.

Laakin wasiiradda dhaqanka Linda Helleland ayaa Facebook ku sheegtay in tallaabadaas ay ahayd mid  ‘si xun looga tashtay oo ay abuurayso kala fogaansho iyo faham darro’.

Abid Raja oo ah xildhibaan Muslim ah wuxuu u sheegay warbaahinta dawladda ee NRK in magacaabidda Ms Hasic aysan ‘maalin wanaagsan u ahayn muslimiinta’.

waxa uu yiri Caqli kuma dhisnayn waxayna wiiqaysaa kalsoonidii ay muslimiintu doonayeen inay dhisaan si ay xiriir ula yeeshaan bulshada Norway

Talaadadii ayaa dhowr urur oo muslimiintu leeyihiin waxay soo saareen qoraal saxaafadeed ay ku sheegayaan in aysan kalsooni ku qabin, Warbaahinta gudaha ayaa ku soo warramaysa in masaajidyada qaarkood ay muujiyeen inay uga bixi doonaan IRN arrintan darteed.