Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Yemen oo wali la soo daabulayo

Iyadoo wali ay dalka yemen ka holcayaan Dagaalo ayaa waxaa taas bar bar socda barakac xoogan oo saamayn badan ku yeeshay soomaalida mudada dheer ku nooleey dalkaas,
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo oo gacan ka Hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay in ay soo daadgureeyaan dad badan oo Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa magaalooyin ay dagaallo qaraari ka socdeen,
Qunsulka Soomaaliyeed ee Magaalada Cadan, Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dad badan ay ka soo badbaadiyeen dagaalada ka socda dalka Yemen, Gaar ahaan Magaalada Cadan
Qunsulku waxaana uu tilmaamay in in ay Wali Socoto daadgureeynta dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaaladaasi Cadan, ayna hadda dooni soo saareen 140 qoys oo Soomaaliyeed, maanta Gelinka dambana ay soo gaari doonaan Magaalada Berbera.