Qaxooti Somali oo ka soo ambabaxay Xeradda Dhadhaab oo ku soo wajahan Soomaaliya (Sawiro)

Ku dhawaad 700 oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed oo in mudo ah ku noolaa Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee W/bari Kenya ayaa ka soo Ambabaxay kuwaasi oo ku soo jeeda gudaha dalka soomaaliya,

Dib u soo laabashada qaxootigan Soomaaliyeed ayaa waxaa gacan ka gaystay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxootiga (UNHCR) .Waxaana qaar ka mid dadkan oo ka soo jeeda magaalada Muqdisho lagu soo daabulay Diyaarad u kiraysan QM. halka qayb kale oo ka mid Basas lagu geyn doono Degmadda Dhoobley oo aan ka fogeyn Xuduudka.

Qorshaha lagu soo daad-gureynayo ayaa qeyb ah Barnaamijka Qaxootiga iskooda u go’aansada inay ku soo laabtaan dalkooda Hooyo.Waxayna Dib-u-soo-laabashadooda ayaa ku soo beegmayso, iyadoo inta badan Qaxootiga ku jiraya Xeradda Dhadhaab dib ugu soo laabanayaan gudaha Somalia sababo la xiriira Hay’adda UNHCR oo yareysay raashinkii la siin jirey Qaxootiga iyo xiriira xaalladda nolosha Xeradda oo sii xumaanayso.

 

©Goobsan Media