Qatar Oo ku baaqday in la iska kaashado dagaalka Al Shabaab

Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Qatar Dr Mutlaq Bin Majed Al-Qahtani oo Qayb galayay shirkii 13-aad ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo lagu qabtay dalka Japan ayaa  sheegay in Qatar ay ka go,an tahay la dagaalanka kooxahaasi.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Qatar ay diyaar u tahay sidii looga guuleysan lahaa kooxahaasi, ayna muhiim tahay in loo midoono.

Sidoo kale intii u socday kulankaasi Qatar waxa ay ku soo bandhigtay aragtideeda ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, waxaana ay sheegtay in kooxahaasi ay ka faa’iideyteen khilaafka, kala duwananshaha iyo loo lanka ka jira dalalka Yemen, Somalia, Libya, Syria, Iraq iyo Afghanistan.

Dowladad Qatar oo xariir dhow la leh dowladad federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in Soomaaliya ay ka taageereyso la dagaalanka Xarakada Al Shabab.