Qaraxyo Kale oo Caawa Muqdisho ka Dhacay

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo kale ay caawa ka dhaceen magaalada.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala beegsaday meel u dhow jidgooyo ciidamada amniga ku lahaayeen waddada Aadan Cadde ee degmada Wardhiigley. Illaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan. Sidoo kale, qarax ayaa la sheegayaa in caawa lagu dhuftay bar-kontorool, oo aad ugu dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdishu.

Maanta oo keliya, ugu yaraan Afar qarax ayaa caasimadda ka dhacay, Dhinaca kale hawlgallo dhinaca amniga ah ayaa la sheegay inay caawa magaalada ka socdaan kuwaasi oo lagu qabqabtay dad badan gara ahaan xaafadaha Waaberi iyo Xamar Jajab.

©Goobsan  Media