Qaraxii shalay ka dhacay xarun laga raaco tareenada dhulka hoostiisa maro ee magaalada St-Petersburg ee Dalka Russia ayaa waxaa kasoo baxayo faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan dadki ay waxyeelada kasoo gaartay waxayna tibaaxeysaa in dhimashadu ay markan tahay 11 qof halka dhaawacana uu yahay dad badan kuwaaso 51 qof ka mid ah lagu daweeyay isbitaalka. Warar ay qorayaan qaar ka mid ah saxaafada oo soo xiganaya ila wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu qaraxani ahaa mid uu gaystay qof nafti hure ah kaasoo ay suurta gal tahay inuu isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baaritaanada qaraxani ayna la wadaagi doonaan waxi macluumaad ah oo ku saabsan.
Madaxwayne Trump ayaa waxa uu u balanqaaday dhigiisa Ruushka in dowlada Maraykanak ay ka caawin doonto Ruushka sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxani .
Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in labada hogaamiye ay isku afgarteen in argagixisada hal meel looga soo wada jeesto .