Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Dalka Masar (sawiro)

Waxaa qarax xoogan ka dhacay kaniisad ku taala magaalo la yiraahdo Dandaa ee dhanka Galbeed ee Dalka Masar qaraxan lama sheegin nuuca uu yahay waxaana ku dhimatay 30 qof waxaa kale oo ku dhaawacmay 40 qof ilaa iyo hadda mas’uuliyada qaraxan cuid sheegatay ma jirto   balse waxaa heegan la galiyay ciidanka nabadgalyada masar ka hor ciiddan maanta masiixiyiintu u dabaal degayeen ee la yiraahdo Axad assacaf.

Weerarkan waxa lala beegsaday kaniisadda Mar Jirjis oo ku taal magaalada Danda ee xarunta gobolka woqooyi ee Delta Niil.

Qaraxani wuxu dhacay iyadoo tobaneeyo cisho uun ka hor weerarro hore lagu qaaday xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada nabadgelyadu oo ku taal isla magaalada Danda, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari toban kalena lagu dhaawacay.

Telefishannada dalka masar qaarkood ayaa sheegay in dadka dhaawacmmay haatan tiradoodu gaadhayso 40 qof dhimashaduna waxay haatan maraysa 25.

Kooxda la baxday dawladda Islaamka ayaa waxay horey u sheegeen inay weerraro ku qaadi doonaan Qibdiyiinta ama masiixiyiinta dalkaas oo bulshada dalkaas ka ah boqolkiiba toban.

Weerarada lagu qaado masiixiyiinta masar ayaa sannadii u dambeeyey isasoo tarayey gaar ahaan tan iyo sannadkii 2013 kii oo milatarigu af-gambiyeen madaxweynihii la doortay.