Qarax gaari loogu xiray wariye ka howl gala universal tv.

Farsamiyaqaan ka mid ah shaqaalaha Tvga Universal xarunta Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawacmay qarax loogu xiray Gaarigiisa xilli uu ku sugnaa degmada xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Sakariye Maxamuud Timacadde oo ka mid ah Shaqaalaha Tvga Universal oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta gudaha  ayaa sheegay in dhaawaca Wariyahaan oo lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed “Karsaay”  uu yahay mid culus   isla markaana lagu daweynayo mid ka mid ah Xarumaha Caafimaadka Magaalada.

waxii faahfaahin kusoo kordha qaraxaas gaariga loogu xiray farsaama yaqaan karsaay.