Qaramada Midoobay oo sameysay Shabakad lagu caawin karo Qaxootiga ku sugan Turkiga

Qaramada midoobay ayaa soo bandhigtay shabakad ku qoran luqado kala duwan oo qaxootiga ku nool dalka Turkiga ay ka heli karaan macluumaadka la xariira xuquuqdooda, adeegyada loo fidiyo iyo waajibaadka saaran.
Hay’ada jamciyada qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR aya shabakadaasi ugu magacdartay mida caawimaada.
Waxaa ay ka dhawaajisay in ay u fududeyn doonto in ay gargaar gaarsiiso malayiin qof oo magan galya doon ah iyo sido kale qaxootiga ku nool gudaha wadankaasi.
Luqadaha lagu isticmaali karo bartaasi ayaa waxaa ka mid ah Carabiga Faransiiska , Turkiga iyo sido kale Ingiriiska.
Gudaha wadanka Turkiga ayaa waxaa ku nool in ka badan 3 milyan oo ah qaxooti la diiwangeliyay halka sido kale ay jiraan in ka badan 300,000 oo qof oo magan galya doon ah .