Olole balaaran oo dhiig loogu deeqayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Pizza House oo Muqdisho ka bilowday (Sawirro)

Olole dhiig loogu deeqayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii habeen hore lagu qaaday Maqaayaddaha Pizza House iyo Posh Treats ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii u horeeyay ee bilaabay ololahan ay isugu jiraan mas’uuliyiin iyo dad rayid ah.

Ururka Mutadawaciinta ee Dhiig ku deeqayaasha Soomaaliyeed ayaa ololahan ka bilaabay Muqdisho, si loogu Dhiig deeqo dadkii ku dhaawacmay weerarkii habeen hore ee maqaayadaha.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshada C/llaahi Ereg, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed, Guddoomiyaha Somali Blood Donation Volunteers Cumar Xabeeb iyo dad kale ayaa bilaabay ololahan dhiig bixinta.

Dhiigagga la qaadayay ayaa isugu jiray noocyada kala duwan sida A+, O+, B+ iyo AB+ iyo B+, waxaana dhiigagga qaar ee la qaadayay ay yihiin kuwo la sheego inay aad ugu yar yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Dhaawacyada ku jira Isbitaalada Madiina, Digfeer iyo kuwa kale ayaa la sheegayaa inay aad u dhiig baxeen, kuwaasoo qaarkood saacado dhiig baxayay, illaa intii uu socday weerarka, waxaana ururkan uu dadaal ugu jiraa sidii dadkaas dhiig loogu deeqi lahaa.

SAWIRO