Odey Waayeel ah oo Isku-daldalay Magaaladda Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Nin Odey ahaa uu xalay isku-daldalay gurigiisa oo ku yaala degmadaas.

Qof kamid ah dadka dariska la ahaa ayaa inoo sheegay in saakay aroortii ay arkeyn odeyga oo xarig qoorta ugu jiro,islamarkaana Meyd ah.

Magaca odeyga falkaan ku kacay ayaa lagu soo gaabiyay Showki,waxaana da’diisa lagu qiyaasay 60-sano jir.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhawaan uu ka yimid odeyga dalka Sweden ee qaaradda Yurub,uuna arintaan u sameeyay arrimo qoys oo haystay.

Dhacdooyin sidaan oo kala ah ayaa ka dhacay Magaaladda Muqdisho sanadihii dambe.