Oday 80 jir ah oo gowracay walaashiis oo 82 jir ah Sh/ Hoose ( Sawiro)

Oday 80 jir ah ayaa maanta gacantiisa ku gowracay walaashiis ka wayn oo 82 jir ah

Dhacdadan, ayaa maanta ka dhacday Deegaanka Doonweyne ama (Doonka)  oo 8km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Odayga wax dilay  ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Muuse, halka walaashiisa uu gowracay  lagu magacaabi jiray Faadumo Muuse.

Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in muddooyinkanba ay odayga iyo walaashiiba ku wada murun sanaayeen dhul.

Dhulkan lagu muransanyahay ayaa waxaa sheegtay Maxamed Muuse oo ah ruuxa wax dilay halka Walaashiis oo ah ruuxa la dilay ay ku andacooneysay inuu dhulkani yahay dhaxal uusana kaligiis lahayn.

Kiiska labadan ruux ee isla dhalatay ayaa waxa uu gaaray heer ay iskula tagaan ururka Al-shabaab oo dacwadooda qaaday ayagoona ku xukmiyay dhulkaasi inuu yahay Dhaxal uusana qofna kaligiis sheegan Karin.

Ruuxa wax dilay ayaa u muuqday mid ka caraysan go’aanka ay soo gudbiyeen Al-shabaab asagoona ugu dambeyntii  gowracay haweeneydii la dhalatay ee dhulka ay ku muransanaayeen.

Ugu dambayn maanta ayuu dilay walaashiis dilkeedana waxa uu u adeegsaday baangad halkaas ayayna ku geeriyootay.

Cumar Carabey Madaxa arimaha Bulshada ee G/Sh/Hoose ayaa sheegay gacan ku dhiiglaha inuu hadda gacanta ugu jiro Ciidanka Degmada Afgooye halkaasna Su’aalo lagu weydiinayo.

Arintan ayaa layaab ku noqotay bulshada ku dhaqan degaanka Doonka ayagoona argagax ka muujiyay falka uu ku kacay Maxamed Muuse.

Hoos ka fiiri sawirada.

marxuumad Faaduma Muuse
Maxamed Muuse oo walaashiis gowracay