Norway: Soomaalida oo noqotay qowmiyadda labaad ee ugu badan ee Deganaansho Helay Sanadkii 2016

Soomaalida oo noqotay qowmiyadda labaad ee ugu badan ee UDI u oggolaatay inay helaan Deganaansho joogto ah iyo dhalashada dalkan Norway, Iyadoo 1,761-Qof oo Soomaali ah laga aqbalay codsigoodii ay ku dalbadeen degenaanshaha joogtada ah halka 1 194 qof oo Soomaali ahna loo oggolaaday inay qaataan dhalashada Norway sanadkii 2016-kii.

Tirada guud ee dadka la siiyay deganaanshaha joogtada ah ee Norway ayaa ah 16,837 -qof kuwaasoo ka kala yimid 107 dal oo ku kala yaalla daafaha adduunka.

Shax ay UDI kusoo bandhigtay Boggeeda ayaa muujinaysa in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 1,761 qof oo Soomaali ah laga oggolaaday inay dalka Norway ku noolaan karaaan weligood taasoo ka dhigan in deganaanashaha kadib ay dalban karaan Dhalashada dalka Norway iyo Passport-ka gaduuudka ah. Udi ayaa aqbashay 90% codsiyada dalbashada Degenaanshaha ee Soomaalida ku nool Norway.

Tirokoobkaas ay sameysay UDI ayaa meesha ka saareysa tashwiishkii iyo welwelkii ku furnaa dad farabadan oo Soomaali ah kuwaasoo aad uga walaacsanaa in degenaanshaha lagu adkeynayo Soomaalida maadaama horay ay UDi u sheegtay inay dad farabadan oo Soomaali ah dib u eegis ku sameyn doonto codsigoodii magangelyo dibna ugu celin doonto dalka, maadaama daruufihii ay magangelyada u weydiisteen qaarkood ay meesha ka baxeen waxaana taas bedelkeeda aan dhihi karnaa in dadka Soomaalida ay heleen intooda badan degenaanshaha.

Qomiyadda ugu badan ee qaadatay degenaanshaha 2016-kii waa Eritreian kuwaasoo la aqbalay 2,795 qof.

Shaxdaas ayaa waxaa ku qoran tirada dadka la aqbalay ,jinsiyad ahaan dalka ay kasoo jeedaan iyo celcelis ahaan boqolkiiba inta la aqbalay codsiyadooda, hadaba qeybtaan hoose ka aqriso link-igaas.

Haddii aad ka welwelsaneyd in degenaanshaha kaa soo daahay ama aad ka fikireysay in Soomaalida lagu adkeynayo degenaanshaha fadlan gal linkigaan oo aqri si aad u ogaato xaqiiqda oo aad isaga ilowdo walbahaarka.

https://www.udi.no/statistikk-og-analyse/statistikk/permanent-oppholdstillatelse-etter-statsborgerskap-2016/

UDI waxay sidoo kale soo saartay Shaxda dadkii qaatay Baasaboorka gaduudka iyo dhalashada Norway kadib markii ay ka tanaasuleen dhalashadii ay horay u heysteen (Dhalashada dalalkii ay u dhasheen) hadaba halkaan kasii aqriso dadkaas iyo dalalkii ay ukala dhasheen taasoo kaalinta labaad ee ugu badan ay ku jiraan Soomaalida deggan dalakani Norway.-

https://www.udi.no/statistikk-og-analyse/statistikk/innvilgede-statsborgerskap-etter-opprinnelig-statsborgerskap-2016/

Mohamed Abdulkadir Dahir