Norway oo laga codsaday inay dib u dajin u sameyso ilaa 5000 oo qoxooti ah.

Hey´adda qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga aduunka ee UNCHR ayaa dowlada Norway ka codsaday in sanadka danbe ay dib u dajin u sameyso ilaa 5000 oo qoxooti ah, kuwaas oo kujirto xeryaha qoxootiga caalamka.

UNCHR ayaa aaminsan in Norway ay awood iyo kabaasiti u leedahay inay dib u dajin u sameyso ilaa 5000 oo qoxooti ah, maadaama ay si aad ah hoos uga dhacday tirada dadka qoxootiga ah ee Norway iska soo dhiiba. Waxeyna sheegeen in Norway ay leedahay xeryo qoxooti oo badan oo cidlo ah.

Hey´adda qoxootiga aduunka ayaa sidoo kale Norway ka dalbatay inay dalka Giriiga wadahadal kala gadasho soo qaadashada iyo dib u dajin u sameynta ilaa 1000 qof oo qoxooti ah oo dalkaas ku sugan.

Xukuumada Erna Solberg ayaa dhawaan soo bandhigi doonto miisaaniyada sanadkan 2019, waxaana la filayaa in miisaaniyadaas laga dhex arki qarash ay dowladu ugu talagashay dib u dajinta qoxooti ay Norway kasoo qaadan doonto xeryaha qoxootiga caalamka.

Codsiga UNCHR ayaa kusoo aadayo xili tirada qoxootiga Norway magangalyada soo weydiisto ay mareyso meeshii ug hooseyso tobanaan sano.