Norway: Nin Keenyaati ah oo xabsi 5-sano ah lagu xukumay Kadib Markii Lagu eedeeyay Fal Kufsi Ah

Ninkan Keenyaati ah ayaa xabsi 5-sano ah lagu xukumay kadib markii uu si xun u kufsaday haweeney da` yar oo ku nool magaalada Tromsø ,Norway , yadoo lagu amray inuu siiyo gabadhaas lacag dhan 26-kun oo dollar oo magdhaw ah.

Maxkamadda magaalada Tromsø ayaa muddo 5-sano iyo 2-bilood oo xabsi ah ku xukuntay nin Kenyaati 19-sano jir ah kaasoo ka dambeeyey kufsi-wadareed loo geystay haweeney da” yar oo kamid ah dadka reer Tromsø.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go,aamisay kun aammartay in ninkaasi uu bixiyo lacag magdhaw ah oo la siinayo gabadha la kufsaday ,taasoo cadadkeedu dhanyahay 220 000 NOK oo u dhiganta 26,000 US Dollars.

Haweeneyda ayaa dacwaddaas kusoo oogtay ninka keenyaatiga ah taasoo tilmaantay in si xun ay ugu kufsadeen isaga iyo 2-nin oo kle gudaha magaalada Tromsø bishii june ee sanadkii hore 2016-kii taasoo sababtay inay socon weyso oo ay shaqada xitaa tagi weyso dhaqaalaheedana hoos u dhacay.

Booliiska ayaa sheegay inaysan heynin caddeymo ku filan labada ni nee kale oo la sheegay inay dalalkoodii dib ugu laabteen haseyeeshee baaritaanno ay sameeyeen ayeey ku ogaadeen in dheecaanka ninkan Kenyaatiga ah ee DNA-ga laga helay gudaha xubinta taranka haweeneydaasi da,da yar ee kufsi wadareedka loogu geystay magaalada Tromsø.

Mohamed Abdulkadir Dahir