NORWAY: Mahad Abib oo looga guuleystay Kiiskii maxkamadda

Sida goor dhawayd laga sii daayay Tv-ga NRK ee dalka Norway waxaa soo gaba gabowday kiiska dacwada u dhaxaysay  Mahad Abiib iyo dowlada norway taasoo in muda ah soo jiitamaysay.

Ugu danbayn maxkamada darajada koowaad ee Oslo ayaa ku dhawaaqday Natiijada maanta oo isniin ah waxayna maxkamadu ku raacday hey´ada UNE oo 17. sano kadib kala noqotay Dhalashada wadanka Norway,

Maxkamadu waxay sheegtay in Mr Abiib uu ka been sheegay dhalashadiisa sida saxda ahna uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Jabuuti oo daris dhaw la ah soomaaliya. Sidoo kale maxkamada ayaa Mahad ku xukuntay bixinta qarashaadkii mudadii sedaxda maalmood ee dacwadiisa loo fadhiyay,

Dhanka kale Mahad Abiib ayaa iska diiday gabi ahaanba xukunka maxkamadu manta ku dhawaaaqday . Waxaa uuna saxaafada u sheegay in go’aanka  ka soo baxay maxkamada uusan cadaalada waafaqsanay isla mar ahaantaana uu racfaan ka qaadan doono,

Kiiska Mahad Abiib oo ku dhawaad mudo 2 sano ah soo jiitamayay ayaa ugu danbayn maanta ku  dhamaaday arin aanan farxad galin Mahad Iyo ehelkiisa

©Goobsan  Media