Norway: Laga bilaabo 1-da August, Waxaan Aqoonsan doonaa baasaboorka Soomaaliga ah

Dowlada Norway ayaa labo isbuuc kahor sheegtay inay aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah oo ay bixiso dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaana arintaas lagu soo bandhigay shir jaraa´id oo ay si wadajir ah magaalada Nairobi ay ugu qabteen wasiirada arimaha dibadda iyo amiga Soomaaliya, iyo safiirka Norway u fadhiya Kenya.

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee loo yaqaan UDI-da, ayaa maanta bogooda ay ku leeyihiin internetka kusoo daabacay qoraal ay ku sheegayaan in laga bilaabo kowda bisha August ay si rasmi ah u ogolaan doonaan adeegsiga baasaboorka soomaaliga ah.

Waxeyna raaciyeen inay aqoonsan doonaan baasaboorada caadiga ah ee laga bixiyay safaaradaha Soomaaliya iyo gobolka Benaadir wixii ka danbeeyay kowda January sanadkii 2014.

UDI-da ayaa qoraalkooda ku sheegtay in dadka soomaalida ah ee sharciga kuleh Norway(aana qaadan dhalashada Norway), ay adeegsan karaan baasaboorkaas. Sidoo kalena dadka soomaalida ah ee visaha ka helay Norway ay Norway kusoo gali karaan baasaboorka soomaaliga ah.

Maadaama aysan Norway horey u aqoonsaneyn baasaboorka soomaaliga ah, waxey dadka soomaalida ah ee magangalyada ka hela siin jireen baasaboor loogu talagalay dadka qoxootiga ah(baasaboorka cagaaran), halka dadka qaarna ay siin jireen baasaboor loogu talagalay dadka Norway ka hela magangalyada bini-aadantinimo(baasaboorka buluuga ah).

Laanta socdaalka ayaa qoraalkooda ku daray inay wadaan qiimeyn ku saabsan qaabka uu isbadalkan cusub saameyn ugu yeelan karo dadka soomaalida ah ee Norway magangalyada kasoo dalban doono, iyo kuwa hada magangalyada kujoogo Norway. Waxeyna raaciyeen inay gadaal kasoo gudbin doono wixii isbadal ah ee arintan ka dhalata.

 ©️Xigasho:Norsomnews