Norway: Booliska oo Baadi goobaya wiil Soomaali ah oo geestay toogasho

Booliska caasimadda Oslo ee dalka Norway ayaa toogasho ka dhacday talaadadii eynu soo dhaafnay xaafadda Holmlia u baadi-goobaya wiil soomaali ah kaas oo lagu magacaabo Asad Abdulle Aidaruus islamarkaana dhashay sannadkii 1997-dii.

Asad ayaa lugta uga toogtay bannaanka suuq senter ah oo ku yaal xaafaddaasi wiil da`aadiisa ah kaas oo ay is bar garanayeen.
Sida ay sheegtay Anne Solem oo ah haweeney boolis ah ayaa waxaa ay Asad ka baadi-goobeen dhow goobood oo ay ku tuhmayeen, balse ey ka waayeen, sidaas darteedna ay iminka ugu soo bandhigayaan warbaahinta magaca iyo muuqaalkiisa.

Booliska ayaa rumeysan in wiilkani ku dhuumaaleysanayo caasimadda Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaana ay bulshada ka dalbanayaan in ey u fududeeyaan soo qabashadiisa hadii ay hayaan xog ku aadan halka uu ku sugan yahay ama ay ku arkaan.