North Korea oo markale tijaabisay Gantaalada Plastic Missile-ka

Waqooyiga Kuuriya ayaa markale sameeyay tijaabo gantaal oo loo malaynayo inuu yahay nuuca Plastic Missile, arintan ayaa waxaa xaqiijiyay Koofurta Kuuriya.

Gantaalka waxa laga riday gobol u dhaw xeebta galbeeed ee dalkaa, waxaana sidaa ku soo warantay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Kuuriyada Woqooyi waxay sanadkan samaysay tijaabooyin isku xig xigay oo ay gantaalo ku tijaabisay, arintaasina waxay sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa iyada iyo Maraykanka.

Khubaro dhanka hubka ah ayaa horay dood uga keenay in gantaalada Waqooyiga Kuuriya ay soo bandhigtay bilihii lasoo dhaafay aysan ahayn kuwa dhab ah balse arintaas ayaa waxay ku tahay mid cadayn u baahan.
Pyongyan ayaa dardar gelisay barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaha sannadihii u dambeeyey in kasta oo ay soo food saartay cambaarayn caalami ah iyo cuna qabatayn Qaramada midoobay ku soo rogtay.

Hase ahaatee laba gantaal oo la tijaabiyey bishii hore ayaa labadiiba fashilmeen ma’uuliyiinta waqooyiga kuuriyana waxay sheegeen inay wadayaan tijaabada gantaalada ayna xaq u leeyihiin.