Ninkii isku isku qarxiyay Manchester Arena oo la aqoonsaday (Sawiro)

Waxaa la aqoonsaday Ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay magaalada Manchester ninkaasoo la sheegay inuu isku qarxiyay goob ay ka socotay bandhig faneed ay dad badan kasoo qayb galeen.

Booliska UK ayaa markii hore ogaaday in Salmaan Cabaadi uu ahaa ninkii isku qarxiyay afaafka hore masraxiyad ka socotay bandhig faneed, kaasoo ay ku dhinteen illaa 22 ruux, 64 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sirdoonka UK ayaa ka war helay in ninkan oo 22 jir ah uu saddex todobaad ka hor ka soo laabtay Libiya, halkaasoo loo maleynayo in maskaxda looga soo bedelay.

Wiilkan ayaa ka soo jeeda qoys Libiyan ah, oo ka soo qaxay nidaamkii Khadaafi ee ka talinayay Libiya, waxaa uu ku dhashay magaalada Manchester.

Ninkan ayaa la baarayaa suurta galnimada inuu tagay Suuriya oo uu tababar ku soo qaatay, waxaana hada la sheegayaa in aanu weerarka keligiis qaadin oo ay jiraan kooxo kale oo wax ka maleegay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerard Collomb ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Salmaan Cabaadi uu u safray Suuriya, isla markaana ay suura gal tahay inuu xiriir la lahaa ISIS.

Sirdoonada Faransiiska iyo UK ayaa is weydaarsanaya macluumaadyo la xiriira ninkan iyo hadii ay jiraan shabakado kale oo qeyb ku lahaa weerarka Manchester.

Illaa saddex ruux oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkaas ayaa la qabtay, saacado kaddib markii uu weerarka dhacay.

Waxaa sare loo qaaday heerka feejignaanta ee qatarta argagixisada, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan weeraro kale, waxaa ciidamo fara badan la geeyay goobo kala duwan.

SAWIRO