Ninkii Facebook live ku soo bandhigay isagoo wax dilayo oo Isna is dilay (SAWIRO)

Steve Stephens waa 37 jir waana ninki asagoo wax dilaayo Facebook live usoo galay dhacdadaas kadib ayaa waxaa si aad ah u baadi goobayey Booliska ayakoona ka waayay meelahii uu imaan jiray qamaarkana ku ciyaari jiray intaa kadib booliska Mareekanka ayaana abaal marin lacageed dul dhigay qofkii keena wax macluumaad ku saabsan dilaagaas.

Sargaal boolis oo ka tirsan ciidanka Pennsylvnia oo lagu magacaabo William Taper Jr, ayaa sheegay in baadi goobki lagu haye dilaagaas ay la kaashadeen bulsha weynta Mareekanka ayna u sahashay in warbixintiisa laga helo asagoona lagu arkay Erie County “Pennsylvania”

Waxaana warbixintaas soo sheegay qof shaqaalaha Mcdonalka ka tirsan kaas oo soowacay Booliska una sheegay inuu dilaaga Stephens ku arkay Mcdonaldka u dhow Buffalo Road halkaasoo Booliska isla markiiba ay gaareen ayagoona ku daba jiray markii hore, Stephens ayaa gudaha u galay Mcdonalka sida ay sheegeen shaqaalaha Mcdonal waxay yiraahdeen waxa uu naga dalbaday 20 Digaag ah oo shiilan waliba si deg deg ku jiro ayuu u dalbaday waxayna ku war galiyeen inuu sugo Waxyar oo daqiiqado ah howshiisana lagu guda jiro hase ahaate deg degiisa ayaa markiiba sababay inuu ka baxo Mcdonalka asagoona aan sugin intii wax loo shiilayey.

markii uu soo baxay  gaarigiisa ayuu kaxeystay booliska meel dheer uma jirin Boolisku markiiba wey ceersadaan ayakoona u yeerinaya dhawaqa calaamada u ah Booliska taasoo uusan Stephens u istaagin Booliska ayaana dhowr jiho kasoo xiray waxaana ugu dambeyn ay noqotay inuu Stephens nafta is dhaafiyo asagoona istoogtay.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay geeridiisa waxa uuna sheegay inay Stephens ku doonayeen nonol balse uu is dilay “wan ka xunahay waxan ku doonayne nolol waxaan weydiin lahayn sida uu waxan u sameeyay iyo xaalada uu ku sugnaa waqtigii uu falka naxdinta leh geysanaye balse wax walba waasoo soo dhamaadeen”