Nin Mexican ah oo miisaankiisu ka badan yahay 500kg ayaa haatan isku dayaya in uu miisaankiisa dhimo isagoo gacan ka helaya dhaqaatiirta deegaankiisa.
Juan Pedro Franco, oo 33 jir ah ayaa miisaankiisu ahaa 93 Stone (595kg) markii uu ahaa labaatan jirka, waxaana Diiwaanka Guiness World Records oo lagu keydiyo waxyaabaha qofka uu dheer yahay dadyowga caalamka ayaa u aqoonsaday inuu yahay ninka ugu buuran ama ugu cayilan ee dunida ku nool sanadkii 2017.
Dhowr sanadood kaddib waxaa haatan Franco uu isku dayayaa in uu maro qalliin lagu caateynayo, si loo dhimo miisaankiisa.
Filim gaaban oo ay BBC-du ka diyaarisay Franco, waxa uu sheegay in markii uu ahaa 17 sano jirka uu kala bar jirkiisu bur buray kaddib markii uu galay shil baabuur.
Wixii xilligaa ka dambeeyay waxay dhaqaatiirtu isku dayayeen in ay wax u qabtaan, hase yeeshee waxaa si xad dhaaf ah u kordhayay culeyskiisa, waxaana laga soo sheegay Franco xanuunno ay ka mid yihiin macaanka iwm.
Sanad ka hor Franco waxaa uu dhowr saacadood ka fogaaday gurigiisa isagoo socod gaaban galay, taasoo keentay in saddex meelood jirkiisa uu miisaanka ka dego.
Dhowr dhaqaatiir ayaa soo diiday in ay wax ka qabtaan xaaladda wiilkan, balse markii dambe waxaa 30 dhaqaatiir ah ay iskugu tageen bal in ay caawiyaan Franco.