Nin u dhashay Dalka Indonesia oo lagu magacaabo Mbah Gotho ayaa ayaa lagu sheegaa inuu ahaa ninka aduunka ugu da’da wayn asagoo la sheegay inuu jiray 146 sano.
Mbah Gotho ayaa ku geeriyooday Da,da 146 jir asagoo bishii lasoo dhaafay 12keeda la dhigay isbitaalka kadibna uu geeriyooday 18kii April kadib markii uu ka soomay cuntadii iyo cabitaanki.
Ninkan ayaa sannadkii hore ay saxaafada caalamka aad u hadal heysay markii uu soo bandhigay Dukumenti muujinayo inuu dhashay 31-kii bishii December ee sannadkii 1870-kii.
Saraakiisha dalka Indonesia waxay xaqiijiyeen in Waraaqahiisaa Dhalashadda ahaayeen kuwo sax ahaa.
Haweeneyda ugu da’da weynayd caalamka ayaa ahayd Haween ka soo jeeda dalka Faransiiska oo la oran jirey Jeanne. Calment, taasoo ku geeriyootay da’da 122-ka.
Mr. Gotho ayaa inti uu noolaa sheegay in qabay afar xaas oo uu qabay 12 caruur ah oo uu dhalay iyo 10 walaalihiis ay dhamaantood horey u geeriyoodeen aysana jirin wax ka nool.
Halkaan ka daawo sawirada