Nin xaaskiisa muddo sedex maalin ah jir dilaaye cunto iyo cabidna ka jaray Facebook dartiis

Nin u dhashay dalka masar laguna magacaabo  Mustafa Rafat ayaa xiiskiisa jir dil xoogan u geystay muddo sedex maalmood ah isla markaana qol ku xiray asagoo ka jaray cabitaan iyo cuntaba.

Dhaawacyada waxyaabaha uu u adeegsaday lama sheegin balse waa dhaawacyo halis ah kuwaaso qaybo badan oo jirka haweenayda ka muuqda.

Marki la weydiiyay waxyaabaha ku kalifay inuu sidaan sameeyo ayuu ku sheegay inay 3 ciwaan oo facebook ah ay samaysatay ayadoo dooneysa inay ku basaasto inuu qiyaameeyo iyo in kale, balse taas bedelkeeda ayay haweenaydan oo lagu magacaabo  Asmaa Samiir la kulantay ciqaab daran, waxa kale uu beeniyay inuu cunada iyo cabida ka jaray

Ninkaan oo horay ugu diiday xaaskiisa inay Facebook isticmaasho ayaa Booliska gacanta kusoo dhigeen ayagoona sheegay inuu xaaskiisa si fool xun ula dhaqmay.

Ururada xuquuqda haweenka ayaa ku doodaya in ninkaas maxkamad lasoo taago isla markaasna la marsiiyo cadaalada ayagoo codsadayna in xabsi dheer loo diro lana mariyo ciqaabta uu mudanyahay.

Sidoo kale Qareeno dhowr ah ayaa u diyaar ah inay u doodaan Asmaa Samiir oo ah dhibanaha uu waxyeelada u gaystay seygeeda Mustafa Rafat.