Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Brian Burnie isla markaan ahaa maal qabeen ayaa xaaskiisa oo xanuunka Kansarku naasaha kaga dhacay ku bixiyay lacag dhan 16 milay oo Ginni oo ahayd hantidii uu haystay dhammaanteed.
Lacagtaasi badankeeda wuxu siiyay hay’ado samafal ah oo kala duwan oo sadaqo ahaan u siiyay isagoo ka codsaday inay u duceeyaan xaaskiisa inuu xanuunkaasi ka tago. Waxa kale oo uu ku bixiyay Isbitaalo iyo dawooyin ay qaadanaysay oo aad u badanaa qaalina ahaa.
Waxa uu iibiyay xataa guriyihii uu lahaa waxaana ka baxday hantidiisa oo dhan isagoo degay guri kiro ah. Xaaskiisa ayaa Isbitaalkii ka soo baxday ka dib markii ay dhaqaatiirtii ku howlaneed xanuunkeeda u sheegeen in ay hadda caafimaaday oo ay ka bixi karto Isbitaalka.
Markii ay guriga timid waxay la kulantay guri ka duwan kii ay ogayd oo aad u hooseeyaa, markii uu arkay inay amankaagtay oo ay yaabantahay ayuu u sheegay arrinkii isagoo ku yidhi : “ Gurigani waa kiro lacagtii way inaga wada baxday adiga ayayna kugu baxday, anigu ma rabin lacag, waxaan jeclaa inaad adigu bogsato, isagoo u sheegay inay sadaqo iyo dawo ku baxday” .
Intaasi ka dibna inta ay si yaab leh u eegtay ayay ku tidhi “ Haddaba aniga i fur oo hadaanad lacag haysan, nolosha gebigeedu wax qiimo ah malahan”. xaaska mr Brain oo lagu magacabo Shirley ayaa kaga yaabisay odayga 70 jirka, waana u furay. Waxaana iska raacay hantidii iyo weliba xaaskiisa uu la doonayay caafimaadka. Oday Brain weli wuxu la yaaban yahay abaalka Xaaskiisa taasoo uu maalkiisa, wakhhtigiisa iyo fikirkiisuba ku baxay.
Warbixintan ayaa waxaa lagu qoray Mirror Uk waxaana idiin soo turjumay Warbaahinta Goobsan oo ah warbaahin wax ka qorta Arrimaha Bulshada iyo Siyaasada.