Nin Soomaali ah oo lagu maxkamadaynayo Canada.

Ninkan Oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer ayaa dowlada Canada waxay ku eedaysay inuu ka mid ahaa Kooxo Burcad ah oo bishii August sannadkii 2008-dii Magaalada Muqdisho ka afduubtay Saxafiyad Canadian ah iyo Sawir-qaade u dhashay dalka Australia.

Cali Cumar Adeer oo 37 jir ah ayaa booliska Magaalada Ottawa gacanta ku dhigeen bishii June ee Sannadkii 2015-kii. 4 maalmood kadib markii uu yimid dalka Canada,

Eedeysanaha Cali Cumar ayaa  Maxkamada  sare ee The Ontario Superior Court oo ku taalla magaalladda Ontario ee dalkaasi. Ay ku soo eedaysay inuu xubin buuxa ka ahaa kooxaha afduubka ku haystay Saxafiyad reer Canada ah iyo Sawirqaade Austerelian ah. Kuwaasoo mudo 15 bilood lagu haystay meel u dhaw magaalada Marka ee Gobolka shabeelada Hoose, Xeer ilaaliyayaasha Maxkamadda ayaa soo bandhigeen Codad la sheegay in laga duubay Cali Adeer uu ku dalbanayay Lacag Madax-furasho  dhan 600,000 oo Dollar.

Qareenada u doodaya Cali ayaa difaacay Dacwada lagu soo oogay, waxayna Maxkamaddu sheegtay in Dacwadda dib loo dhegeysan doono maalia Isniinta ee soo socota.

Labadan Saxafi  ayaa la sii daayey, kadib, markii Afduubayaash la siiyey lacag dhan 600,000 oo Dollar oo loo sii marsiiyey Shirkad British ah oo u qaabilsan Arrimaha Ammaanka.