Nin Soomaali ah oo dilay Dhaqtar u dhashay Dalka Germalka

Muwaadin Somaliyed oo ku nool dalka Jarmalka ayaa tooreey ku dilay nin Dhaqtar ahaa kadib markii uu ku weeraray goobtiisa caafimaad.

Wiilka Somaliga ah ee falka weerarka ah geystay isla markaana Dhaqtarka ku dilay tooreeyda ayaa da’diisa lagu sheegay 26 sano jir waxana la tilmaamay in Dhaqtarka uu ku beegsaday qolka qalliinka isagoo aanan la laheyn wax ballan ah.

Dhaqtarka tooreeyda lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Joachim T waxana uu u geeriyooday dhaawacyadii tooreeyda wax yar kadib.

Muwaadinka Somaliyeed ayaa sidoo kale la sheegay inuu weeraray isla markaana uu dhaawacay qof caawiye ka ahaa xarun caafimaad oo lagu magacaabo Elke D isagoona goobta ka baxsaday.

Booliiska oo wax yar kadib gaaray goobta uu ka dhacay fal dambiyeedka ayaa ka helay tooreeydii uu ninka Soomaaliga ah u adeegsaday dilka Dhaqtar-ka iyo dhaawaca qofka kale.

Baaritaan ay booliiska sameeyeen isla markaana ay ka qeyb qaateen gaadiidka booliiska , diyaarad Helicopter ah iyo Eeyo tababaran ayaa lagu soo qabtay dambiilaha kaasoo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Booliiska ayaa sheegay in dambiilaha uu yahay magangalyo doon dalka Jarmalka soo galay sanadkii 2015-kii isla markaana la siiyay warqad deganaasho oo uu ugu noolaan karo deegaanka Offenberg.