Nin mayd ah oo laga helay bas dhexdiis bartamaha London

Nin mayd ah ayaa laga dhex helay bas marayay magaalada london ninkan oo 48 sano jir ah  ayaa dilkiisa loo adeegsaday toori kaasoo si arxan daro ah loogu tooreeyay baska dhexdiisa.

Inkastoo shaqaalaha gurmadka deg dega ay isku dayeen inay bad baadiyaan ayaan u suurta galin isla goobta ayuna ku geeriyooday dhibanaha toorida lagu dilay.
Booliska ayaa durba aqoonsaday ninka la dilay balse cidna looma qaban falkan ka dhacay London.

Booliska ayaa sheegay inay xaqiijin ka sugayaan oo Qaraabada ninka ayaa lagu wargaliyay sida ay wax u dhaceen.
Noel McHugh oo u hadlay booliiska ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xog ka helaan dadkii ku safrayay baskaas amaba macluumaadka haya dhacdadan.
“Muhiim ayay noo tahay in aan la hadalno qof goobjooge ahaa” ayuu hadalka sii raaciyay.