Nin Lacag darteed u Gowracay Gabar uu abti u yahay (Sawirro)

Nin lagu magacaabo Samuel Omosaba ayaa Gowracay Gabar yar oo 3 sano jir ah taasoo uu abti u ahaa ninkan oo 42 jir ah ayaa la sheegay inuu ku noolaa Ikare Okoko ee gobolka Ondo dalka Nigeria.

Ninkan oo ay Booliska gacanta ku dhigeen Su’aalo badan oo la weydiiyana kadib qirtay inuu asagu gacantiisa ku Gowracay Gabartan yar oo 3 sano jirka ahayd.

Samuel Omosaba ayaa la sheegay in uu ka weynyahay gabarta yar ee uu gowracay hooyadeed waxaana la sheegay in ay ku kaliftay xaalad lacag la’aan ah oo lasoo daristay maadaama uu ahaa Nin aan shaqo heysan waxaana ka faa’iideysatay qolyaha quraafaadka wax ku daaweeya ee ku nool Gobolka Ondo kuwaas oo iibsada xubnaha Bini’aadamka.

Samuel ayaa la sheegay inuu qirtay inuu dalab ka helay qolyaha iibsada xubnaha Bini’aadamka kuwaas oo soo dalbaday Madaxa qof Caruur ah oo u dhaxeeya 5 ilaa 2 sano, sidaa daraadeed waxa uu jaanis ku helay gabarta yar oo 3 sano jirka ahayd taasoo uu gowracay xili uu guriga kula sugnaa kaligiis.

Hooyada dhashay dhibanaha yarta ee la gowracay ayaa sheegtay in ay suuqa ka raadsatay adeeg oo aysana ka filaneyn in walaalkeed uu gowraci doono gabarteeda yar.

Ninkan Dilka geystay ayaa ku calaacalay inuu ka xunyahay waxii uu sameeyay ayna ku kaliftay shaqo la’aanta iyo lacag la’aanta heysatay balse waxa uu qirtay inuu tacadi u geystay gabarta yar ee uu abtiga u ahaa mana uusan jeclaysan inuu falkan ku fashilmay taasoo uu ku macneeyay inuusan lacagtii uu ku haminaaye helin Gabartiina ay dhaaftay.

Samuel ayaa Boolisku weydiiyeen Su’aalo dheeri ah oo la xariira falkan iyo hadi ay jiraan dad gacan ka geystay waxaana dambigiisa la wareegay Waaxda dambi baarista Madaniga ah ee Gobolka Ondo.

Wadanka Nigeria ayaa waxa ku badan dad ka ganacsada Xubnaha Bini-aadamka kuwaas oo mararka qaar qiimo aad u hooseeya u dila dadka waaweyn iyo Caruurtaba si ay u iibsadaan xubno qaas ah oo laga soo dalbaday.

SAWIRRO