Nin ku iibsaday Tigid diyaaradeed 250 kun Dollar iyo Shirkadii uu ka iibsaday oo qasaartay

Steve Rothstein waa nin u dhashay dalka Maraykanka,  sanadkii 1987 ayuu ka iibsaday shirkada dayuuradaha Maraykanka tigid lagu magacaabi jiray Golden Ticket ( Tigidkii Dahabka ahaa) kaasi oo qiimihiisu dhamaa 250 kun Dollar.

Tigidkaasi ayay shirkaddu ugu ogolaanaysay qofka iibsada inuu ilaa inta uu nool yahay meel kasta Dayuuradaha shirkadda ugu safri karo isagoon wax lacag ah bixin. Waxa kale oo uu isla wakhtigaasi iibsaday tigid kale oo isna ahaa 150 kun dollar oo ah haddii qof kale kugu wehelinayo safarkaaga inta aad nooshahay.

Steve ayaa mudadaasi ku duulay 10 kun oo duulimaad, oo uu meel kasta ku tegay muddo 20 sano gudahood ah.

Shirkadda ayaa tigidka ninkaasi ku khasaartay ka dib markii uu duulamaadyadiisu gaareen lacag  dhan 21 Malyuun oo dollar.

Sidaa darteed Shirkadda ayaa tigidka noocan ah oo hore faa’iido ugu arkaysay baabi’isay isticmaalkiisa sanadkii 2008,

laakiin Steve ayaa maxkamadda u dacwooday isagoo soo bandhigay in shirkada heshiiskeedu ahaa ilaa inta uu ka dhimanayo inuu ku duuli karo.

Maxkamadda ayaa Shirkadda ku xukuntay in ninkaasi tigidkiisa loo celiyo oo weliba lacag loogu daro.

Tan ayay ku sheegtay shirkadu in aysan filanayn arintan oo kale in ay Ganacsigooda qabsan doonto waxayna in badan ka shalaayeen habka ay u wajaheen Golden Ticket oo ay filanayeen in ay Faa’iido badan mar kale ka heli doonaan.