Nin guursaday gabar mayd ah (sawiro)

Chadil oo u dhashay dalka Thailand waxay mudo is jeclaayeen oo ay guur ku wada balameen Ann Kamsuk balse intii aanba guur la gaarin ayey geeriyootey, hase yeeshee Chadil wuxuu qaatey go’aan in uu mehersado saaxiibtiis oo meyd ah oo uu galiyo dharka arooska isla markaana faraantiga meherka gacanta bidix mid ka mid ah faraha uu u galiyo.

Cladil ayaa ku soo labistey Suit madow isagoo madaxa gashaday koofi ookiyaale madowna indha gashaday ka dibna qabrigii haweenaydaasi lagu aasi lahaa ayuu ku dul qabtey xaflad kooban oo nikaax oo uu ku sheegayo in gacalisadiisa meydka ah uu aroosayo.

Dhacdadan oo ka dhacdey sanadi  2012ki magaalada Surin ee dalka Thailand ayaa ninkaasi wuxuu sawiradii nikaaxa haweenayda geeriyootey uu soo galiyey facebook-giisa, waxaana sawirada nikaaxaasi wadaagay 50 kun oo qof taasi oo u muuqatey inay aheyd sheeko aad loola yaabay loona xiiseynayey.

Lamaanahan ayaa mudo laga joogo 10 sano ka hor waxay isku barteen Jaamacada Eastern Asia university ee magaalada Bankook, iyagoo wixii xiligaasi ka dambeeyey ahaa saaxiibo guur qorshahoodu ahaa, balse Aan oo 29 sano jir aheyd waxay ku geeriyootey shil baabuur sida ay shaacisay jariirada Pattaya Daily News ee ka soo baxda magaalada Bankook ee caasimada Thailand oo sheekadan baahisay.

Chadil ayaa sheegay in qorshuhu ahaa inay gacalisadiisa Ann ay is guursadeen xili hore balse uu mashquul ku ahaa waxbarashadiisa, taasi oo dib u dhigtey arooska ka hor intii aanay geeriyoon Ann, balse uu go’aansadey in riyadoodii uu isagu si gaar ah u fuliyo oo uu mehersado haweenadaasi oo geeriyootey.

Xaflada meherkaasi waalida ah waxaa ka soo qayb galey caa’ilada haweenayda geeriyootey iyo ninka aroosku madaxa marey, saxafiyiin & waliba jilayaal filimaanta iyo fanaaniin.

Chadil Deffy ayaa ka ah soo saare mid ka mid ah telefishinada wadankaasi Thailand waxaana talaabada uu ku kacay si weyn u hadal haya saxaafada dunida.

halkaan hoose ka daawo sawirada.

xigasho: Mowliid Xaaji Cabdi