Nin Facebook Live ku soo bandhigay dad uu si micnodaro ah u tooganay (VIDEO)

Magaalada Cleveland gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacday arin ay dad badan ka caroodeen kadib markii nin magaaladaasi kunool uu Facebook si toos ah uga baahiyay dil uu u geesanayay Nin Da’ ah.

Ciidamada booliiska magaalada Cleveland ayaa baadi goob xoogan ugu jira ninka dilka geestay oo lagu magacaabo Steve Stephens, waxaana ninkan la sheegay in uu ku dhumaaleesanayo qeybo kamid ah gobolka Ohio.

Madaxa booliiska ee Cleveland Calvin Williams ayaa sheega in ninkan ay baadi goobayaan ciidamada booliiaska uu sameeyay fal argagax leh kadib markii muuqaalka dilka uu geesanayay ka baahiyay barta Facebook.

Waxa uu ugu baaqay sargaalkan ninka gacan ku dhiig laha ah in uu isa soo dhiibo kahor inta aan la qaban, waxa uu sidoo kale sargaalkan ka codsaday dadweynaha in ciidamada lasoo wadaagaan xogta ninkan si loo qabto.

Steve Stephens ayaa sidoo kale Muuqaalka uu ka baahiyay Facebook ku sheegay in uu horey u dilay dad gaaraya 12-qof , hasa ahaatee booliiska ayaa sheegay in aysan wax cadeyn ah u heyn sheegashada ninkaasi.

 By: Mohmaed Jeo