Nin indhoole ah isla markaasna sabool ah oo u dhashay wadanka Nigeria ayaa sameeyay arin ku dayasho mudan kadib markii uu dhulkiisa ku wareejiyay dad kasoo barakay xaalada abaaraha iyo dagaalada ka jira qaybo ka mid ah wadanka Nigeria.
Ninkan ayaa dadka uu dhulka siiyay waxaa lagu sheegay 500 qof kuwaas oo hooy ka dhigan doona dhulkiisa degaanka ah ee uu ku leeyahay magaalada Maiduguri ee gobolka Borno.
Ninkaan oo lagu magacaabo Ahmed Ali a.k.a Mai Kifi waa dadka asalka ku ah Degaanka Mafa, waana nin aad looga yaqaano degaankaas.
Shacabka ku dhaqan Nigeria ayaa sheegay taasi inay tahay tilmaam wanaagsan oo aan laga helin wali dadka taajiriinta ah ee degan magaalada Maiduguri.
Ahmed Ali waa nin sabool ah balse qalbigiisa ay naxariisi ka buuxdo waana shaqsi qalbiga ka dareemay inay dadkiisa dhibaateysanyihiin wallow uusan indhaha waxba ka arkeyn.
Arintan uu sameeyay odaygan indhoolaha ah ayaa bulsha waynta Wadanka Nigeria iyo Hay’adaha wax gargaara waxay aad ugu mahad celiyeen sida uu garabka u siiyay dadkaas dhibaateysan ee barakacayaasha ah.
Halkan ka daalaco sawirada