Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu xiray wadanka Indonesia

 

Waxaa laga war helay in dowladda indonesia ay xabsiga dhigtay 8 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo sida la sheegaysharci daro ku galayay wadankaas waxaana laga soo qabtay dhanka Badda ayagoo saarnaay Dooni yar.

Dakaan ayaa la sheegay in ay kasoo tahriibeen dhanka Malaysia, waxaana la sheegay in dadkaan ay soo sireen Mukhalisiin.

Dadka tahriibka ku gala wadanka Indonessia ayaa kasii gudba ayagoona la kulma tacadiyo kala duwan waxayna Doomo kasii raacaan xeebaha ama Jasiiradaha wadankaas ayakoo usii gudba dhankaas iyo Australia ama Jasiiradaha ay dowladda Australia maamusho.

Afhayeenka u hadlay Booliska ayaa sheegay in dadkaan la marsiin doono sharciga, Dadkan ayaa waxay wataan kaararka aqoonsiga Qaxootiga ee ay bixiso Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR.

Agung Sampurno Madaxa xiriirka dadweynaha laanta socdaalka ee Indonesia ayaa dhankiisa sheegay in dadkaasi oo isku dayay in ay ka baxsadaan Ciidamada Ammaanka lasoo qabtay.