Muwaadin Soomaliyeed oo kalyahiisa laga soo saaray dhagxaan ka badan 700 Xabo

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo CabdiRaxmaan ayaa qaliin lagu guuleystay ku maray Isbitaalsi gaar ah loo leeyahay oo yaalo dalka India.

Muwaadinkan oo muddo ka xanuunsanaayay kilyaha, ayaa qaliin lagu sameeyay, kadib waxaa laga soo saaray dhagxaan ka badan 700 sida ay sheegtay dhaqtarad ka tirsan Isbitaal ku yaallo dalka India.

Muwaadinka qaliinka lagu sameeyay ayaa ka amba baxay Magaalada Gaalkacyo asagoo kilyaha ka sheeganaya , kadib markii dhaqaatiirta ay u sheegeen in kilyihiisa mid ka mid ah Infekshan uu hayo, sidaasina uu ku tago dalka India.

Waxa uu tagay dalka India waxaana saddex maalmood ka hor lagu sameeyay qaliin guuleystay oo labada keli lagu sameeyay, sida ay shaacisay Surya Prakash oo ah Dhaqtaradda qaliinka ku sameysay C/raxmaan ee Isbitaalka Virinchi Hospitals oo ah isbitaal si gaar ah loo leeyahay.

“Markii uu halkaan noogu yimid, wuxuu noo sheegay in Kilidiisa Infekshan ay qabto, laakiin markii aan qaliin ku sameynay, waxaana ka soo saarnay dhagxaan badan, waxaana ka hor inta aanan qaliin ku sameynin saarnay qalabka lagu ogaado dhagxaanta.” Ayeey tiri Drs Surya Prakash.

“Dhagxaanta qaarkood intii aan ku guda jirnay qaliinka ayeey soo daateen, waxaana intii kale markii aan soo saarnay ku qiyaasnay 700 oo dhagxaan yar yar ah, qiyaastii 100 illaa 150 dhagxaan ah waa ay naga daateen.” Ayeey hadalkeeda sii raacisay Drs.

Dhacdadaan ayaa ah tii ugu horreysay oo ay la kulmaan dhaqaatiirta dalka India.

Drs Surya Prakash ayaa moodeysay in bukaankani uu haleelay xanuun soo jireen ah oo ay horay wax familkiisa ah u qabeen balse CabdiRaxmaan ayaa arintan ku sheegay mid asaga ku cusub oo aan wax familkiisa ah aysan horay u qabin xanuunka ceynkan ah.