Muwaadin Soomaaliyeed oo laga sii daayay xabsi ku yaalo dalka Mareykanka

Maxkamadd ku taala Mareykanka ayaa amartay in xabsiga laga sii daayo Maxamed Cali Maxamed, oo 14 jir ah kaasi oo dhawaan lagu helay dambi ah in uu kufsi iyo dhac isugu daray laba gabdhood oo Mareykan ah sanadkii 2011kii.

Maxamad oo ay gacanta ku dhigeen Booliska dalka mareykanka ayaa la geeyay Maxkamad waxaana Maxkamadda ku xukuntay lix Sano oo xabsi Carruur ah,maadaama uu ahaa 14 jir xiligaas.

Weerarkaan ayaa dhacay 14-kii August sanadkii 2011-kii,waxaana uu ka dhacay magaalada lagu magacaabo Salt Lake City ee dalkaasi mareykanka.

Maxamad mid ka mid ah Haweenkaas ayuu ku qabtay meel banaanka ka ah gurigeeda,waxaana uu qoorta ka saaray Middi,waxaa uu ugu hanjabay in uu dilayo haddii ay qeyliso,sidaas ayuuna kufsi ugu geystay sida ay shaacisay warbixinta Booliska.

Sidoo kale Haweneyda kale ayuu isla sidii oo kale middi qoorta ka saaray sida maxkamada laga hor sheegay,waxaana uu ku amray in Accounkeeda Bangiga ay $400 uga bixiso ATM ahaan,sidii ayuuna uga qaatay laagtaas.

Sababaha ku kalifay in uu dhaca iyo kufsiga uu geysto ayaa lagu sheegay in uu waayay  Lacag uu ku iibsado jaakadaha laga xirto qabowga Mareykanka.