Muwaadin Soomaaliyeed oo 10 sano Xabsi ah lagu xukumay dalka Sweden

Maxkamad ku taala magaalada Gotonberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay dambi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka Soomaaliga ah weeraray ay soo gaareen dhaawacyo kuwaasoo markhaati furayaal ka ahaa dhageysiga dacwada kiiska ninkan Soomaaliga ah.

Sidoo kale Xeer ilaalinta maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbiga lagu soo oogay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo bareer ah, iyo inuu dhaawac u geystay dad aan waxbo galabsan.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay ee ah inuu rabay inuu dil geysto, balse waxaa maxkamada ka markhaati furay dhowr kamid ah dadkii goobjooga ka aha dhacdadaas.

Maxkamadda kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa sidaan oo kale xukuno ugu riday dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal dambiyeedyo kala duwan.