Musharaxiinta madaxweynaha Galmudug oo maanta khudbado ka hor jeedinaya Baarlamaanka Galmudug

 

Sida lagu balansanaa maanta oo sabti ah 29ka bishan waa maalintii ay Guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug ay u qabteen inay musharaxiintu hor yimaadaan Baarlamaanka Galmudug si looga dhagaysto qudbadahooda iyo hiigsiga qorshahooda.

Sida caadiga ah musharaxiintu waxay ahaayeen 3 Musharax waxayna kala yihiin         Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Prof. C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle, musharaxiinta ayaa ayaamahan dambe ka waday olole ay ku doonayaan inay ku muujiyaan kartidooda iyo hankooda siyaasadeed.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa berri oo Axad ah u asteeyay inay dhici doonto doorashada madaxweynaha ee Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku qul qulaya dad kala duwan oo daneynaya doorashada Madaxweynaha, waxaana magaalada laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ah diyaar garow doorasho.

Sidoo kale waxaa jiray qorshe ay wadatay dowladda Federalka Soomaaliya kaasoo ahaa in wadahadal ay yeeshaan maamulada Ahlu-sunna iyo Galmudug si 30ka bisha April loo qabto doorasho ay ku midaysanyihiin labadaas maamul balse waxaa muuqata inay dowladdu ku fashilantay wadahadalkaas ay garwadeenka ka ahyd isla markaana ay u ogolaatay in Galmudug ay doorashada qabsadaan waqtigii lagu balamay.