Muhaajriin Soomaali ah Oo laga Qaaday Dalka Libiya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa qaxooti ka mid ah kuwa Afrika ka qaadday Dalka Liibiya waxaana la geeyay Dalka Talyaaniga.

Tiradda qaxootiga ee la qaaday ayaa lagu sheegay 162-qof oo ay ka mid yihiin dad Soomaali ah.

Dadkan Tahriibayaasha ah ee laga qaaday Dalka Liibiya waxaa ay u kala dhasheen Waddamadan Eritrea, Ethiopia, Somaalia iyo Yemen.

Waxaa ay ka koobanyihiin Rag,Haween,Carruur iyo shaqsiyaad qof qof u socday sidoo kale waxaa ku jira Qoysas is wata,kuwaas oo nasiib u yeeshay in ay tagaan Dalka Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR oo lagu magacaabo Vincent Cochetel, ayaa sheegtay in iyaga oo taageero ka helaya Dowladaha Taliyaaniga iyo Liibiya ay ku guuleysteen in safarkii ugu horreeyay oo Tahriibayaal looga qaadayo Liibiya lana geynayo Talyaaniga ay ku dhaqaaqeen.