Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in laga helay dalkaasi maydadka 13 qof oo loo malaynayo inay Soomaali yihiin.
Maydka dadkan loo maleynaayo Soomaalida ayaa Axaddii laga helay kayn ku taalla gobolka Sofala.
Dadweynaha ku nool agagaarka meesha maydadka dadkaan laga helay ayaa dareemay ur iyaga oo markaa kadibna booliska ku war geliyay arrintaasi.
Shaqaalaha xafiiska dambi-baarista ee qaybta caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Mozambique ayaa tagay goobta laga helay meydadka.
Ilo wareedyo kala duwan ayaa warbaahinta u sheegay in dadkan dhintay loo malaynayo inay ku dhex dhinteen koontaynar lagu dhex xiray iyaga oo ka dhuumanaya booliska dalkaasi, waxaana loo badinayaa inay rabeen inay tahriibaan.
Booliska dalka Mozambique ayaa ballan qaaday inay samaynayaan danbi baaris lagu ogaanayo xaqiiqada arrintan.