Ururka Midawga Afrika ayaa ergo xaqiiqo raadis ah u diraya xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea oo ay xiisad ka taagan tahay.
Xiisadda waxaa kiciyey markii Qatar ay ciidankeeda kala baxday xudduudda labada waddan u dhexeeya, halkaasoo ay nabad ilaaliyayaasheedu joogeen tan iyo 2010, ayagoo qayb ka ahaa dadaal la doonayey in lagu xalliyo muranka dhulka buuraleyda ah ee Jasiiradda Dumeira, kaasoo ay labada dalba sheegtaan.
Jasiiradda Dumeira ayaa ku taalla meel u dhaxaysa labada dal oo koofurta kaga taalla badda cas, waxayna aad ugu dhow dahay marin biyoodka babul mandab oo muhiim u ah ganacsiga dunida.
Ciidammada labada waddan ayaa isaga hor yimid xudduudda 2008, waxayna markaa ka dib labada dal ogolaadeen dhex dhexaadin ay Qatar ku yaboohday, iyo sidoo kale ciidammo nabadda ilaaliya oo ay keento, walow cilaaqaadka laba geesoodka ah uu ahaa mid aan fiicnayn.
Ka bixitaanka nabad ilaaliyeyaasha Qatar ayaa u muuqda inuu xiriir la leeyahay khilaafka dalkaas kala dhaxeeya dalalka ay jaarka yihiin ee khaliijka.